Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo wadahadalo kale isugu yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya kulan hordhac ah oo ay wada leeyihiin Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Kulanka oo ka socda Madaxtooyadda ayaa loogu gogol-xaarayaa wadahadallo la filayo in dhinacyada ay heshiis uga gaaraan arrimaha khilaafka ka taagan, oo ay kamid yihiin xiisadda Gedo iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Ku dhawaad hal todobaad ayay Muqdisho ku sugan yihiin Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday kulamo gaar-gaar ah oo lagu dhex-dhexaadinayay iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Is-aragan ayaa ka dhashay kulan xalay isla Villa Soomaaliya ku dhexmaray Farmaajo iyo Axmed Madoobe. Dhinacyada waxay kawada hadleen caqabadaha ku geedaaman wada-xaajoodyada arrimaha doorashooyinka.

Deni ayaa hore kulamo ula yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Aqalka Sare, dhammaana Kulamada waxaa sal u ah inay dalka ka qabsoomto doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal siyaasadeed iyo mid amni.

Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay Heshiiskii Shirkii Dhuusamareeb 3, kaasoo ay saxiixeen Madaxda HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu eedeeyo inay ka shidaal-qaataan Villa Soomaaliya.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2020-21 ayaa qorshuhu wuxuu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la isku raacay in aysan qabsoomi karin isla markaana ay muhiim tahay in nooca lagu galayo laga gaaro heshiis siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM