Kulan madaxda Somalida oo ka socda weli Kismayo

Image

KISMAYO- Sep13, 2015 Kismaayo waxaa ka socda shir ay saxaafada banaanka ka joogto, oo u dhexeeya Madaxda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka.

Waxyaabaha laga shirayo waxaa ka mid ah, in la go'aansado nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2016ka iyo wadada loo marayo doorashadaasi. 

Waxa wada Fadhiya Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isalwasaare Sharma'arke, Madaxweynaha Puntland Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan, Ergayga Qaramada Midoobey Nicklos Key, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia iyo xubno kale oo gobolka ka socda.

Saxaafada ayaa weli banaanka kusugaysa waxa shirka kasoo baxa , Waxana la filaya markuu shirku dhamaado in weriyayaasha lala hadlo.

Warkaan waxaa kasoo xiganey Jama Deprani oo aan ka fogeyn Koonfurta Somalia

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM