Ku-xigeenka Barlamanka oo ka hadlay Mooshinka [Dhagayso]

Image

28 August, 2015 (GO)-Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa wax laga weydiiyay halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah Madaxwayn DFS Xasan Shiikh.

Mahad Cabdalla ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay baarlamaanka, balse aysan ku jirin ajandaha hadda horyaalla, sababta looga reebayna waxa uu ku tilmaamey inaysan caddayn eedaymaha loo haysto Xasan Sheekh.

"Arinkaasi baarlamanka weli ma hortaalo, waa in dadku nidaamkooda dib ugu noqdaan, arinkaas soo jeedinta ah xildhibaano ayaa keensaday xafiiska gudoonka ayayna taalaa, baarlamanka arintaasi lama horkeenin ajandahana ka mid ma ahan" Ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Hadalkan ayuu ka sheegay guudomiye ku xigeenka barlamanka Somalia Mahad Cabdala Cawad kulan Su'aalo lagu weydiinayay oo ay qabatey Radio Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM