Ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka oo imaanaya Galkacyo

Image

09 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku soo wajahan wafdi uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka dawladda Federaalka Somalia Mahad Cabdalla Cawad.

Safarka Cawad oo ah mid aan horey loo sii shaacin ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn waxa uu salka ku hayo.

Wararka haatan ka imaanaya Galkacyo ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ay ku suganyihiin masuuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si ay u soo dhaweenyaan ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka Somalia Mahada Cabdalla Cawad.

Imaanshaha Cawad ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Galkacyo ku sugan yahay madaxwayanaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" iyo gudoomiyha Barlamanka Siciid Xasan Shire.

Wixii faah-faahin la xiriirta Safarka gudoomiyaha waxaan idiin ku soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM