La-taliyaha Abiy Axmed oo la kulmay Farmaajo kadib eryidii Cawad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho soo gaarey la-taliyaha amniga qaranka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, afar maalmood kadib markii Cawad xilka looga qaadey war-saxaafadeed lagu baahiyay baraha bulshadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku saabsanayd mowqifka DF ee colaadda gobolka Tigray.

Jamaaludiin Cumar, oo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay imaanshaha Gedu Andargachew ee Caasimadda, isagoo intaasi ku daray inuu la-taliyaha Abiy Axmed uu kulan gaar ah la qaatey Madaxweyne Farmaajo.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan ku qaabiley Muqdisho la-taliyaheena amniga qaranka Gedu Andargachew oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, kana wada hadleen waxa ka dhacaya waqooyiga Itoobiya, taasoo ku dhaqanka sharciga lagu hirgelinayo," ayuu yiri danjiraha.

Wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo oo midnimo iyo taageero u muujiyay howlgalka Ciidamada Itoobiya ka wadaan gobolka Tigray, kaasoo u dhaxeeya Xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF, oo maamusha gobolka.

Wasiir Cawad ayaa xilka looga qaadey qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kasoo saartey dagaalka Itoobiya, oo sidii la rabey uusan u qorin, islamarkaana keentay in laga saaro bogaga Wasaaradda ku leedahay baraha Bulshadda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay taageersan tahay markasta midnimadda iyo Madax-banaanida Itoobiya, islamarkaana ay ku baaqeyso in TPLF iyo Xukuumadda Addis Ababa ay xiisadda qaboojiyaan, islamarkaana wadahadal ku belelaan dagaalka.

Abiy Axmed ayaa ka diiday Midowga Africa iyo dalalka kale ee Caalamka in la dhex-dhexaadiyo dowladda uu hogaamiyo iyo TPLF, oo uu ku eedeeyay khiyaano qaran iyo inay dalka kala qeybinayaan, iyadoo cadow dibadda u adeegaya.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho Geeska Afrika, iyadoo dhawaan weerar gantaallo lagu qaadey Caasimadda Eritrea ee Asmara, waxaana colaadda socota dhaawacaysaa sumcadda Abiy Axmed, oo 2019 la gudoonsiiyay Nobel Peace Prize, iyadoo uu ku muteystay nabadda uu dalkiisa iyo Eritrea dhex-dhigay 20 sano kadib oo dagaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM