Laba Al-Shabaab ahaa oo lagu xukumay dil toogasho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay xukun dil toogasho ah ku riday shaqsi oo lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo iyo dilka askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Xukumaneyaasha ayaa kala ah; Cumar Aadan Maxamed [Sakariye], oo ku dhashay tuulada Ceelbool oo hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyo Cabdulle Axmed Muudey [Cabdiwaaxid], oo ku dhashay degaanka Balidoogle oo ku dhow degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sakariye iyo C/waaxid ayaa la qabtey 13-kii November, 2019 markii October iyo horaantii November ay dileen Cali Cabdulle Maxamed, askari xoogga dalka iyo C/llaahi Maxamed Hilowle, oo ilaalada degaanka kamid ahaa.

Maxkamadda Ciidamadda, oo dhageysiga kiiskan soo gabagabeysay 10-kii December, 2020, ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in sababtey waqtiga badan u qaatay galkan ay tahay in la daaweynayey C/waaxid.

C/waaxid ayaa ku dhaawacmay iska-hor-imaad ay kalkii lasoo qabanayey la galeen ciidamadda dharcada ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

"Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka waxaan u furan rafcaan," ayuu yiri Xasan Ali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda kaasoo ku dhawaaqay go'aanka kama dambeysta ah ee xeerbgeetadda soo saartey.

Bishii hore ee November 29-keeda ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay dil toogasho ku fulisay saddex dabley uu ku jiro Macalin Ilkacase kuwaasoo la wariyey in ay qirteen dilal ka dhacay caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM