Laba Soomaali ah oo loo xukumay in ay maalgeliyaan ururka Daacish

Image

LONDON, UK – Laba qof oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya kuna nool Ingiriiska ayaa xukun lagu ridday kadib markii ay qirteen dambi ah in ay dhaqaalo u direen Daacish, sidda uu shaaciyey taliska booliska.

War-saxaafadeed kasoo baxay bileyska la dagaalanka argagixisadda ayaa magacyada shaqsiyaada ku tilmaamay Nuur Xuseen iyo Maxamed, kuwaas oo sidoo kale lasoo bandhigay muuqaaladooda.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, labadooda ayaa waxay wadar ahaan direen aduun lacageed dhan 2,700 oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Bishii Julaayo ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ayaa la dhigay xabsi ku yaala koonfurta magaaladda caasimadda ah ee London.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ayay kasoo muuqdeen Maxkamadda, halkaas oo lasoo wariyey in ay qiraalka ku sameeyeen.

Bishaan 24-keeda April, 2020 ayaa la xusay in uu soo baxay xukunka Maxkamadda, wallow aanan cadadka loosoo bandhigin saxaafadda.

Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajaheysay eedeymo kala duwan oo la xiriira in ay maalgeliyaan kooxaha argixisadda caalamiga ah, badankooda waxay ku sugan yihiin wadamada horumaray ee Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM