Laba Soomaali ah oo loo xukumay in ay maalgeliyaan ururka Daacish

Image

LONDON, UK – Laba qof oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya kuna nool Ingiriiska ayaa xukun lagu ridday kadib markii ay qirteen dambi ah in ay dhaqaalo u direen Daacish, sidda uu shaaciyey taliska booliska.

War-saxaafadeed kasoo baxay bileyska la dagaalanka argagixisadda ayaa magacyada shaqsiyaada ku tilmaamay Nuur Xuseen iyo Maxamed, kuwaas oo sidoo kale lasoo bandhigay muuqaaladooda.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, labadooda ayaa waxay wadar ahaan direen aduun lacageed dhan 2,700 oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Bishii Julaayo ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ayaa la dhigay xabsi ku yaala koonfurta magaaladda caasimadda ah ee London.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ayay kasoo muuqdeen Maxkamadda, halkaas oo lasoo wariyey in ay qiraalka ku sameeyeen.

Bishaan 24-keeda April, 2020 ayaa la xusay in uu soo baxay xukunka Maxkamadda, wallow aanan cadadka loosoo bandhigin saxaafadda.

Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajaheysay eedeymo kala duwan oo la xiriira in ay maalgeliyaan kooxaha argixisadda caalamiga ah, badankooda waxay ku sugan yihiin wadamada horumaray ee Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM