Labada aqal ee BF Soomaaliya oo codsi u diray xukuumada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xukuumadda dhexe ka codsaday in ay u soo gudbiso xeer-dejinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka si ay ansixiyaan.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sarre oo ka hadlay furitaanka kalfadhiga 7aad ee labada gole, ayaa sheegay in helitaanka Golaha Adeega Garsoorka ay muhiim u tahay hanaanka cadaalada.

Sidoo kale, gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in ay lama huraan u tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.

Sidda uu xeerinayo Dastuurka qabyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Golaha Adeega Garsoorka ayaa ka kooban sagaal xubnood.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka oo isana ka hadlay madasha, ayaa xoojiyey soo gudbinta xubnahaan si lamid ah Gudiga Xuquuqda Aadanaha oo dhanka xukuumadda ka imaanaya.

Dhanka kale, Cabdi Xaashi ayaa intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray wuxuu ka dhawaajiyey in ay u socdaan qorsheyaal ay dib-u-eegis ugu sameynayaan habka fadhiyadda ay yeeshaan cudurka Covid-19 dartiis.

Inkasta oo uusan tafaasiil ka bixin qaabka cusub oo ay qorsheynayaan, maalmaha soo aadan ayuu tibaaxay in ay ka leeyihiin kulamo.

Coronavirus ayaa muddo bil ah wuxuu dib u dhac ku keenay kulamadda labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo fasax galay. Kiisaskiisa laga xaqiijiyey guud ahaan waddanka waxay ka badan yihiin laba kun.

Kalfadhiga 7aad ee maanta uu daah-furay madaxweyne Farmaajo oo buuq hareeyay waxaa horyaala ajendayaal masiiri ah, oo ay kamid yihiin sharciga doorashooyinka sanadka 2020-21 iyo metelaada siyaasadeed ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM