Labada feker ee isku haya shir-madaxeedka Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa kuwada sugan dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya oo doonaya in ay ka tashadaan doorashada soo aadan.

Wallow aanan wali la muddeyn goorta uu furmayo shirka loo-dhan-yahay, haddana waxaa durba soo ifbaxday laba feker oo dhinacyadda kala taageerayaan. Balse, ma cadda qaabka ay uga heshiinayaan.

Maamuladda oo isla magaaladan ku shiray horaantii bishaan July ee sanadkan ayaa isku raacay in 2020-21 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyagoo soo jeediyey nooc doorasho oo lagu heshiiyey.

Ma jiro nooc ay si gaar ah u carabaabeen, taas bedelkeeda, waxay adkeeyeen in uu noqdo habka lagu galayo mid ku dhaca waqtiga uga harsan dowlada hada jirta, taas oo la macno ah in ay ka digeen kororsi.

Xisbiyadda siyaasadda iyo Aqalka Sarre ayaa taageero u muujiyey go'aanka wadajirka ah ee ay qaateen dowlad goboleedyadda waddanka.

Madaxda dowladda federaalka ayaa wali ku taagan mowqifkooda qabashada doorasho qof iyo cod ah. Olole iyo kulamo gaar-gaar ah oo ay taageero ugu raadinayaan qorshahaas ayay durba bilaabeen.

Maadaama waqtigu dhamaad yahay, siyaasiyiinta iyo maamulada ayaa rabitaanka Madaxtooyadda Soomaaliya ku sifeeyay "waqti ku darsi" arrintaas oo ay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin.

Ra'iisul wasaare Khayre oo kahor inta uusan u dhoofin Dhuusamareeb u muuqday mid ka akdhowaa maamulada iyo Aqalka Sarre oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ayaa bedelay mowqifkiisa siyaasiga ah.

Xudunta diidmada 'qof iyo cod'

Wasiirka koowaad oo horey qiray in muddo kororsi ay horseedi karto xasilooni darro ah amni, mid siyaasadeed iyo qalalaaso dastuuri ah ayaa ku biiray ololaha madaxweyne Farmaajo ee raadinta qof iyo cod.

Nooca doorasho qof iyo cod ee Farmaajo rabo isagoo cuskanaya sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka waa in lagu saleeyay habka 4.5, waana sababta ugu weyn ee looga soo horjeedo.

Sidoo kale, madaxweynaha oo u han-qal-taagaya "nooc doorasho ka duwan kuwii hore" ayaa soo jeedinaya in ugu yaraan hadii dalka oo idil ay ka dhici waydo laga qabto qeyb kamid ah, taas oo la naqdiyey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa qorsha Villa Soomaaliya wuxuu ku qeexay "doorasho qof iyo cod oo la dhalan-rogay".

"Sharciga Doorashada ee uu Baarlamaanka ansixiyey waa sharci dadban, wuxuuna dhigayaa in kuraasta ay sidoodii, reerihii iyo jufooyinkii hoose u kala leeyihiin. Caqliga wuxuu keenayaa in cid aan ahayn reerkii iyo jufadii kursiga lahayd aysan ka codaynin, taasina waa doorasho dadban, laakiin la doonayo in shaati doorasho qof iyo cod ah loo geliyo," ayuu yiri.

Qoraal uu Facebook kusoo qoray ayuu raaciyey: "Ma jirto cid doorasho qof iyo cod ah haysa ee miiska waxa saaran waa doorasho dadban, waxaase la isku hayaa doorasho dadban oo xilligeeda ku dhacda iyo doorasho dadban oo shaati qof iyo cod ah loo xiray, laguna xalaalaysto muddo kordhin, taasina ay Dalka xasilooni dari iyo qalalaase u horseeda".

Tan iyo markii dib loo unkay dowladnimada Soomaaliya, qabashada doorasho qof iyo cod ah wuxuu ahaa mid kamid ah hiigsiyada ugu waaweyn, hadana daruufaha ayaa diidaya, taas oo qasbeysay in laga heshiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM