Labada Gole ee BJFS oo meel mariyey habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka

Image
Kalfadhiga ayaa waxaa ka abuurmay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay wakiilada.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ansixiyay habraaca wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo ay si weyn u diideen tobanaan ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Kalfadhiga ayaa waxaa ka abuurmay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay wakiilada, iyadoo kalfadhigu uu ku billowday gacan ka hadal, xilli tobaneeyo askar ah gudaha loo soo galiyay xarunta baarlamaanka.

Gudoomiye Sheekh Aaadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeynta mudanayaasha, iyada oo 210 mudane ay aqbaleen, halka ay diideen 30 Xildhibaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ka hadlay ansixintan ayaa si weyn u cambaareeyay sida ay codeynta ku dhacday, iyaga oo ku tilmaamay sharci darro iyo in si qaldan loo wajahyo hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaanadan diidan in wax-ka-beddel aan la isku waafaqsaneen lagu sameeyo Dastuurka ayaa sheegay in dalka loo horseedayo kali-talisnimo, iyaga oo caddeeyay in ay sifad walba uga hor iman doonaan.

Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole lagu diidan yahay ansixinta habraacaan oo ay garwadeeno ka yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka talada haya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa dhaliilay sida xildhibaanada ka soo horjeeda kaldfadhiga ay ku muujiyeen diidmadooda, isaga oo sheegay in si rasmi ah loogu jiheystay dhamaystirka Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM