Labo mileeshiyo beeleed oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Image

March 21, 2015 (GO)- Dagaal ayaa saaka mar kale dib uga qarxey deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowr mar oo hore labo mileeshiyo beeleed ugu dagaalameen.

Ugu yaraan shan qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ayaa lagu soo warramayaa inay dagaalka ku geeriyoodeen.

Iska hor imaadka ayaa bilowdey kadib markii mid kamid ah labada mileeshiyo soo weerartay goob fariisin u ahayd mileeshiyada kale.

Colaadda saaka dib usoo cusboonaatey oo soo jiitameysey muddo dhowr sano ah waxay salka ku haysaa aano qabiil iyo muran ka dhashay dhul daaqsimeedka.

Dowladda Federaalka ayaa guddi u saartey xal u helista dagaal beleedyada soo noq noqdey ee deegaanka Deefow, waxaana jirey heshiisyo badan oo horay cooladan looga gaarey kuwaasoo aan weli si buuxda loo dhaqan gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM