Lacagta ay Shabaab sanadkii ka hesho halkii “isbaaro" oo la shaaciyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Jay Bahadur, madaxii hore ee guddiga khuburadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sanadkii kaga soo xarooto halkii isbaaro tobban milyan oo Doolar.
Bahadur oo u waramay wargeyska The Article ayaa soo xigtay qiimeyn ay sameysay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.
"UN-ka wuxuu odorasay in Al-Shabaab ay sanadkii ka sameyso halkii isbaaro 10 milyan oo Doolar – tobanaan ayay ku leeyihiin guud ahaan Soomaaliya," ayuu yiri Bahadur, oo falanqeeye ah.
Isbaarada ayaa lacago looga qaadaa gaadiidka isaga kala guusha gobolada dalka. Tusaale ahaan, gaariga Hoomeyda [Caasiga] waxaa la sheegay in sanadkii laga qaado laba boqol oo Doolarka Mareykanka ah.
Dhanka kale, Jay Bahadur ayaa ka waramay ku dhex-milanka maleeyshiyaadka ee bulshadda iyo laamaha ammaanka "oo xoogeystay".
"Al-Shabaab waxay bulsho badan ku leedahay garabkooda. Waxay leeyihiin shirdoon xoogan iyo shabakad basaas oo adag. Waxay ku shaqeeyaan cabsi gelin iyo handadaad," ayuu raaciyey.
Wuxuu ku daray: "Way ku dili karaan xiliga ay rabaan. Hadii aad tiriso dhinacyadda gacansaarka la leh, jaajuuska, fududeeyeyaasha iyo wixii kamid ah, waxaad xisaabta ku darsaneysaa dadweynaha Soomaali".
Warbixin Qaramada Midoobay kasoo baxday 2019 ayaa lagu sheegay in Shabaab la wareegteen dhoofinta dhuxusha isla markaana ay dhaqaalo ka sameeyaan lacago baad oo ay ganacsatada ka qaadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay wax ka qabashadda arrintaan, oo mas'uuliyiin sar-sarre oo ka tirsan ay qireen jiritaankeeda.
Hay'adda Sirdoonka ayaa xirtay mas'uuliyiintii ugu sareysa Rugta Ganacsatada gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu soo daayey damiin.
Kadib markii la doortay iyo intii lagu guda jiray ololaha, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Al-Shabaab kaga takhalusi doono laba sano, balse iyaddoo hal sano ay uga hartay xilheynta ma muuqdaan guulo waaweyn.
GAROWE ONLINE