Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Image

BAYDHABO — Iyadoo bulshada ku nool Koofur Galbeed Soomaaliya ay wajahaan amni-darro, shaqo la’aan iyo caqabado ay ku hayaan jidadka uu xubin ka yahay Al-Shabaab, maamulka Gobolka Baidoa ayaa soo rogay Canshuurta Shaqsiyeed ee Dakhliga, taasoo saameynaysa dhammaan mushaharka, gunnooyinka, iyo faa’iidooyinka kale ee shaqada.

Masuuliyiinta maamulka ayaa ku dhiirrigelinaya shacabka qaadashada canshuurta cusub iyagoo adeegsanaya hal-ku-dhegka: “Noqo muwaadin bixiya canshuurta oo ka qeyb qaata horumarka dalkiisa.”

Inta u dhaxaysa 100-500 dollar qofkii soo gasha, wuxuu bixinayaa 6%, halka 500 illaa 1,500 laga rabo 12%, iyadoo hadii kordho dakhliga qofka canshuurtana kusoo kordhayso. Dad badan ayaa la yaaban maamulka inuu canshuur shaqsi qaado, iyadoo uusan abuurin fursado shaqo.

Canshuurtaan ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu xoojinayo dakhliga dowladda iyo adeegyada bulshada, balse shacabka qaar ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta dhaqaale ee ay ku yeelan karto xaalada amni-darro iyo fursadaha shaqo ee aadka u xaddidan ee gobolka Baay.

Masuuliyiinta maamulka ayaa lagu eedeeyay in canshuurta ay u isticmaali rabaan dano gaar ah, iyagoo ka faa'ideysanaya in Koonfur Galbeed lahayn hay'addo ama Maxkamado awood leh oo madaxda la xisaabtama.

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2018 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo, kuwaasoo Ciidanka amniga ku dileen tobanaan qof oo qshacab ah. Madaxweynaha ayaa ku shaqeynaya sharciyad la'aan, maadaama mudo xileedkiisii uu dhamaaday December 2022.

Dadka qaar ayaa ugu yeera Lafta-Gareen "Madaxweynihi Kursiga Dhiiga ku fadhiyay".

Maamulka Lafta-Gareen waxa kale uu wajahayaa eedeymo ku saabsan musuq-maasuq, qaraabo-kiil iyo fashilka inuu dib u furo wadooyinak degmooyinka Baay iyo Bakool oo oo mudo ka badan 10 sano ay Al-Shabaab go'doon ku hayso.

"Maamulka uu Qoyskiisa leeyahay ayuu Lafta-gareen ka dhigay Koonfur Galbeed, canshuurtan cusubna waa mid ay ka macaashi doonaan qoyskiisa iyo xubnaha isaga ku dhaw ee ma ahan wax shacab loogu adeegayo ama deegaano lagu hormarin doono," ayuu yiri dhaqaal-yahan kasoo jeeda maamulka.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa noqday mid howlgab ah, oo aan shaqadiisa qabsan, wuxuuna gacanta u galay Madaxtooyadda, oo u isticmaasha inay ku meel-marsato sharciyada ay rabto, oo mudo-korarsi joogto ah kamid yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM