Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya — Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan deg-deg ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaannada maamulkaas, xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan waxa maamulka Koonfur Galbeed ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ay dowladda dhexe ku hayso arrimaha gudaha ee maamulkaas.

Laftagareen ayaa odayaasha la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee dowladdiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro mabaadi’da dastuuriga ah ee qeexaya awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Wuxuu sidoo kale sheegay in Koonfur Galbeed aysan aqbali doonin wax kasta oo loo arko faragelin lagu sameynayo go’aannada masiiriga ah ee maamulka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda taagan iyo saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida deegaannada. Waxay ugu baaqeen shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed in la xoojiyo midnimada bulshada isla markaana la ilaaliyo nabadda si looga hortago qalalaase hor leh.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo durba saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM