Laftagareen oo difaacay guddiyada doorasho ee lagu muransan-yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ka jawaabay diidmada ay murashaxiinta ka muujiyeen xubnaha guddiyadda doorashooyinka horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021-ka.

Laftagareen oo xalay Baydhabo kaga qeybgalay munaasabad lagu sagootinayey Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo socdaal ku tegay halkaas ayaa difaacay xubnaha ay soo xusheen dhexdhexaadnimadooda la duray.

"Dad badan oo saaxibadey ah ayaa igu dhahay guddiga dad noogu dar ,waxaan ku dhahay kuwa aan soo magacaabayo ayaa naga wada filan oo Cadaaalad sameynaya waafaqsana heshiiskii [doorashooyinka 2020-21]," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxyaabaha laga sheekeynaayo ee guddiyada doorashooyinka ah iyo dadka cabanaya oo madaxdii hore ah waxaan ka codsanaya intay kaligood meel fadhiistaan wixii ay soo sameeyeen hasoo xasuusteen ha yiraahdeen adiga maxaad soo sameysay waxaan fiicnay oon sameynayna ha taageereen ee yaysan u xiisin wixii xumaa ay sameyn jireen in aan sameyno".

"Intaas waaye waxa annaga nagala rabo ee fududeynta ah ee annaga waxba ma qoreyno," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyna Laftagareen.

Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka 2020-21 ayaa sheegay in xubnaha ay soo xuleen maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay u badan yihiin askar nabad-sugida, shaqaale rayid iyo jamaahiirta Villa Soomaaliya.

Koonfur Galbeed waxaa ka imaanaya 77 Xildhibaan kuwaasoo laga cabsi qabo in Villa Soomaaliya u afduubaan xubnaha ay ku darsatay guddiyada doorashada.

Inkasta oo murashaxiinta ay codsadeen in meesha laga saaro, dhawaqa Laftagareen ayaa xoojinaya mayal-adeega madaxda dowladda ka muujinayaan in ay dib-u-qaabeeyaan ama ay bedelaan xubnaha la duray dhex-dhexaadnimadooda.

MUUQAALKA LAFTA GAREEN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM