Laftagareen oo difaacay guddiyada doorasho ee lagu muransan-yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ka jawaabay diidmada ay murashaxiinta ka muujiyeen xubnaha guddiyadda doorashooyinka horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021-ka.

Laftagareen oo xalay Baydhabo kaga qeybgalay munaasabad lagu sagootinayey Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo socdaal ku tegay halkaas ayaa difaacay xubnaha ay soo xusheen dhexdhexaadnimadooda la duray.

"Dad badan oo saaxibadey ah ayaa igu dhahay guddiga dad noogu dar ,waxaan ku dhahay kuwa aan soo magacaabayo ayaa naga wada filan oo Cadaaalad sameynaya waafaqsana heshiiskii [doorashooyinka 2020-21]," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxyaabaha laga sheekeynaayo ee guddiyada doorashooyinka ah iyo dadka cabanaya oo madaxdii hore ah waxaan ka codsanaya intay kaligood meel fadhiistaan wixii ay soo sameeyeen hasoo xasuusteen ha yiraahdeen adiga maxaad soo sameysay waxaan fiicnay oon sameynayna ha taageereen ee yaysan u xiisin wixii xumaa ay sameyn jireen in aan sameyno".

"Intaas waaye waxa annaga nagala rabo ee fududeynta ah ee annaga waxba ma qoreyno," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyna Laftagareen.

Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka 2020-21 ayaa sheegay in xubnaha ay soo xuleen maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay u badan yihiin askar nabad-sugida, shaqaale rayid iyo jamaahiirta Villa Soomaaliya.

Koonfur Galbeed waxaa ka imaanaya 77 Xildhibaan kuwaasoo laga cabsi qabo in Villa Soomaaliya u afduubaan xubnaha ay ku darsatay guddiyada doorashada.

Inkasta oo murashaxiinta ay codsadeen in meesha laga saaro, dhawaqa Laftagareen ayaa xoojinaya mayal-adeega madaxda dowladda ka muujinayaan in ay dib-u-qaabeeyaan ama ay bedelaan xubnaha la duray dhex-dhexaadnimadooda.

MUUQAALKA LAFTA GAREEN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM