Laftagareen oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Axada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Laftagareen ayaa kasoo kicitamay dalka Turkiga halkaas oo howlo shaqo uu u joogay muddooyinkii ugu dambeeyay, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

"Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Goliyaasha Dowladda iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho," ayay raacisay.

Madaxda Puntland, Jubaland, Galmudug iyo HirShabelle ayaa horey u joogay Muqdisho. Socdaalka Laftagareen wuxuu imaanayaa xilli lagu waddo in uu shir ku qabsoomo caasimadda.

Shirkaas oo qorshuhu yahay in uu bilowdo Isniinta berri ah ayaa ka dhacaya Teendhada Afasiyooni, waxaana looga doodayaa xalka is-mari-waaga doorashooyinka heer federaal iyo qaran.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa isku diyaarinaya in uu xaadiro kulankan, wallow uu wajahayo eedeymo ku saabsan in uu diidan yahay xal waara oo loo helo muranka.

Inkasta oo horey u fashilmeen shirar looga hadlayey xalka doorashooyinka, haddana fursadan ayaa loo arkaa mid horseedeysa in dalka uu si nabdoon uga gudbo mar-xaladan kala guurka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM