La-taliyihii Siilaanyo ee arrimaha dadka la hayb sooco oo is casiley

Image

March 2, 2015 (GO)- La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Beelaha la hayb sooco, Bakhrad Jaamac Xirsi ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay.

Barkhad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC wuxuu sheegay in uu warqaddiisa istiqaalada u gudbiyey Madaxweynaha.

Sababta uu isu casiley mar wax laga weydiiyey wuxuu sheegay inay la xiriirto isku-shaandheyntii saddex maalmood kahor Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Isku-shaandheynta wuxuu ku tilmaamey mid aan cadaalad ku saleysneyn maadaama beelaha la haybsooco oo markii horeba dulmanaa - waa sida uu hadalka u dhigaye- aan hal xilna loo soo magacaabin.

Waa mas'uulkii labaad ee is-casila kaddib isku-shaandheyn Feb 28, 2015 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyey golaha wasiirrada, taliska ciidamada iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha hay'adda dowladda hoos taga.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna shalay iska casiley xil cusub oo loo soo magacaabay kaasoo ah Wasiirka Maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM