Luga-dheere: " Al-shabab waan ka xoreynaynaa Jubooyinka"

Image

February 14, 2015 (GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa sheegay in bisha soo socota ee March la bilaabayo hawlgal ciidan oo baahsan kaasoo Al-shabaab looga xoreynayo gobolka Jubada Dhexe oo xilligan kooxdaasi si buuxda gacanta ugu hayso iyo weliba deegaanada ay weli ka arimiyaan ee ka tirsan Jubada Hoose.

Luga-dheere ayaa intaas ku daray in hawlgalku yahay mid ay si buuxda isaga kaashanayaan ciidamada Jubaland iyo ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

"ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona...saraakiisha AMISOM waan ka wada hadalnay qorshahaas wayna nala qaateen"ayuu yiri.

Shalay waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland gaarey wafdi uu hoggaaminayey wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Maman Sidiku islamarkaana ay ku jireen saraakiil ka tirsan taliska guud ee ciidanka AMISOM.

Wafdigaasi waxay la kulmeen madaxda Jubaland, waxaana arimihii laga wada hadlay ugu muhiimsanaa xoojinta ammaanka iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay weli ku xooggan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM