Maalinta afka hooyo oo laga xusey magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

February 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Jabuuti Ismaacill Cumar Geelle, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta Afka hooyo oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

21 Febaraayo waa maalin caalami ah oo Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa ay u aqoonsatay Maalinta Afafka Hooyo 17kii November Sanadii 1999kii, waxaana maanta dunida oo dhan looga dabbaal dagayaa xuska maalintaas caalamiga ah.

Aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid wadamada Caalamka ayaa ka qayb galay xafladda, waxaa sidoo kale ka qayb galay wufuud ka kala socotay wadamada Kenya iyo Ethiopia.

Wasiirka Warfaafianta Hidaha iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka ku hadlay Afka qaban qaabiyeyaasha munaasabadda ayaa waxa uu soo dhaweeyay kaqayb galayaasha, isagoo u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb gashay munaasabadda.

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in furitaanka Akadeemiye goboleedka daryeelka Afka hooyo ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya uga Mahad celiyay sida uu uga aqbalay in Akadamaiyad Goboleedka Cilmiga iyo fanka laga furo Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa ku dheeraaday ka hadalka Maalintaan iyo Muhiimada ay u leedahay Dadka ku hadla Af Soomaaliga, waxaana uu bogaadiyay Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti in la sii xoojiyo, lagana wada shaqeeyo horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedaahy in Afka hooyo in xafiisyada Dowladda aan laga soo saari karin warqad Af qalaad ku qoran cidii ku dhaqaaqdana lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isna xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa mahadcelin u jeediyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isagoo xusey inaysan illoobi doonin xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM