Maalinta Calanka Somalia oo Muqdishu laga xusay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxda ugu saraysa dowladda Somalia ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu xusayay maalinta la taagay calanka Somalia oo haatan laga joogo 61 sano.

Khudbado kala duwan ayaa laga soo jeediyay dabaal dagga oo ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Xamar, waxaana intooda badan looga hadlay sidii loo weynayn lahaa calanka Somalia bulshaduna u dhawri lahayd sharafta calankeena.

Ra’isul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu munaasabada ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga.

“Calanka waxa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaligeed ma aheyn ee waa qowmiyad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa lagu mideysan yahay waa calankaas” Ayuu yiri Sharmake.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda calanku leeyahay waxaana maamulada iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii loo xaq dhawri lahaa.

Sannad kasta 12 Octobar ayaa Somalia laga xusaa maalintii la taagay calanka Somalia oo ku beegan 1954-tii, waxaana hindisay ALLAHA u Naxariisteen Maxamed Cawaale Liibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM