Maalmaha is-xulafeysiga madaxweyne Farmaajo iyo Khayre oo "tirsamaya"
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa inta lagu guda jira mudda xileedka dowladiisa waxay dhabarka is-aadinayaan dad badan oo ay xulafo ahaayeen oo uu ku jiro ra'iisul wasaarihiisa, sidda u sheegay siyaasi.
Taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], ayaa rumeysan in maalmaha is-xulafesiga madaxweynaha iyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay yihiin kuwa tir-samaya.
Sanbaloolshe oo maqaal ku daabacay wargeyska The National Interest ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa caddeeyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka shaqeynayaan siddii uusan dib ugu soo laaban lahayn Farmaajo.
"Maadaama waqtigu ka dhamaanayo, Farmaajo wuxuu yaqiinsaday in uu noqdo sun. Kuwa ay xulafada u ahaayeen oo uu kamid yahay ra'iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramaya in ay kala tegayaan, halka mucaaradka uu abaabulayo siddii uu meesha uga saari lahaa," ayuu ku yiri qayb kamid ah faaladiisa.
Siyaasiga oo qormadiisa ciwaan uga digay "Soomaaliya waa in ay nafteeda ka badbaadisaa Qadar" ayaa xukuumadda Dooxa ku eedeeyay in ay dhaqaalo ku bixisay faragelintii Villa Soomaaliya ee doorashooyinka maamulada.
Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ay madax ka noqdeen wasiiro kamid ahaa xukuumada Khayre ayuu carabaabay, balse wuxuu si cad u sheegay in ay ku fashilmeen in ay saameyn ku yeeshaan Puntland iyo Jubaland.
"[Farmaajo] nafla-caarinimada ayaa ku hogaamin karta in uu ku shubto doorashadda soo aadan ama in uu si dastuurka baalmarsan uu xukunka kusii dheereysto isagoo abuuraya xaalad deg-deg ah oo uu alifay," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo xusay in arrintaa aanan la aqbali doonin.
Dhoolatus siyaasadeed
Illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Farmaajo iyo Khayre aysan isku aragti ka ahayn doorashooyinka 2020-21 isla markaana wasiirka koowaad aaminsan in coddeynta aysan noqon karin qof iyo cod.
Hase ahaatee, Farmaajo ayaa rumeysan in ay dhici karto, talaabadaas oo uu uga gol-leeyahay in uu ku sameysto muddo korori, sidda lagu waramay.
Si uu daaha gedaashiisa ugu qariyo, Farmaajo ayaa ra'iisul wasaare Khayre kala soo muuqday munaasabado dhowr ah oo ay kamid tahay furitaankii kalfadhiga baarlamaanka iyo shirkii Jabuuti ee wadahadalada Somaliland.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo dhaliilay qaabka ay madaxda dalka u wajaheen wada-xaajoodka maamulka Hargeysa, ayaa ka jawaabay su'aal leyska waydiinayo arrintaas.
"Dad badan ayaa is waydiinayey haddii aysan wax wayn jirin muxuu Madaxweynuhu u kexeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysalwasaaraha, isaga iyo wasiirrada ayaaba kulanka ku filanaa?" ayuu 15-kii bishaan June, 2020 kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook.
Wuxuu ku daray: "Ujeeddada uu taas ka lahaa waa in uu soo afjaro nuxnuxda siyaasadeed ee suuqa ku jirta, tusiyana in uu isagu yahay ninka keli ah ee amarkiisa iyo taladiisa lagu socdo, inta kalana xafiiskiisa ka tirsan yihiin".
"Haddii aysan sidaa aheyn maxay ka dhigan tahay Raysalwasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan oo wafdi Madaxweyne ka tirsan, hadana guddi farsamo ka mid ah?," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya.
Siyaasada Soomaaliya kuma cusba in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ay isku aragti noqon waayaan dhamaadka muddo xileedka dowladda, waxaana jira warar sheegaya in Khayre uu damac uga jiro xilka ugu sareeya dalka.
GAROWE ONLINE