Maamul loo samaynayo Buur-hakaba

Image

27 September, 2015(GO)-Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay waxaa ku sugan mas'uuliyiin ka socota maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kuwaasi oo qorshaynaya sidii degmada maamul loogu samayn lahaa.

Wafdiga oo isugu jira wasiirro, maamulka gobolka Baay, iyo hay'addo Samafal ayaa sidoo kale degmada u tagay qaabkii wax looga qaban lahaa xaalad Biyo la'aan oo soo foodsaartay dadka deegaanka.

Madaxda degmada tagtay ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan sidii dhibka ka jira Buur-hakaba.

Muddooyinkii dambe degmadu malahayn wax maamul ah, waxaana jira dadaalo mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed Somalia ku doonayaan sidii degmada uga sameyn lahaayeen maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM