Maamulada oo dalbaday qoondadooda deeq ka timid Imaaraadka

Image
Wasaaradaha Arrimaha Bini'aadanimadda ee Maamuladda ayaa soo saarey qoraal wadajir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Arrimaha-bini'aadantinimada ee Maamul-goboleedyada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin qoondadii ay ku lahaayeen lacag dhan 9.6 milyan oo doollar.

Lacagtan oo loogu talagalay gargaarka bini'aadantinimo ayaa waxaa ku tabarucdey Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalka ka qeyb-qaadanaya gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, lacagtaan ayaa waxaa horey codsiyo ugu qortey xafiisyada Ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bini'aadanimadda iyo xafiiska cusub ee hay’adda abaaraha iyo gargaarka.

Qoraalka wasaaradaha dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowlada federaalka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Wasiirada Maaliyadaha maamulada iyo dowlada Federaalka lacago qaybsadeen.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM