Maamulada Somalida oo dib uga dhacey magacaabista aqalka sare ee Barlamanka [ WARSAXAFADEED]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashada dadban ee Somalida ayaa warsaxfadeed ay soo saareen maalinta shaley walaac ka muujiyey dib u dhaca mar kale ku yimid in maamulada Somalida soo gudbiyaan liiska magacyada dadka u sharraxan xildhibanada aqalka sare Somalia.

Warsaxafdeedkaan oo yimid maalin kadib markii la dhaafey waqtigii la filayey in madaxda maamulada soo gudbiyaan xubnaha u sharraxan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka kuwasoo kadib codbixin u qaadayaan Barlamanada maamuladaan.

Guddigaan ayaa sheegey in madaama 5 October dib looga dhacey in lasoo gudbiyo liiska magacyada dadka u sharaxan xilka aqalka sare ee Barlamanka Federaalka laga sugayo in Labo maalmood gudahood kasoo gudbiyaan.

Dib u dhaca joogtada ku imaanaya magacaabista xildhibanada labada aqal ayaa la rumeysan yahay iney sababtu tahay madaxda maamulada oo balanqaadyo dad badan u sameeyey iyo musuqmaasuq ku jira qaabka kala xulshada tartamyaashaa taasoo kulamadii madasha ee Muqdishu aan la magacaabin hay'ad ka madax banaan ee la socota nidaamka doorasho ee Somalia.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in 24 soo socda ku dhawaaqo liiska xubnaha u tartamaya xildhibanada aqalka sare ee Somalia kuwasoo kadib loo gudbin doono Barlamanka si ay ugu codeeyaan 11-ka xildhibaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM