​Maamulka Afgooye oo ka hadlay khasaaraha weerarkii Al Shabaab

Image

AFGOOYE, Somalia- Guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dhinaca dowladda kasoo gaaray, weerar shalay galinkii dambe kooxda Al Shabaab halkaasi ka gaysatay.

Cabdinaasir Caalim Ibraahim, oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay in xaaladda Afgooye tahay mid dagan islamarkaana gacanta ugu jirto dowladda Somalia, wuxuuna sheegay inaysan mar dambe suuro galin karin in Al Shabaab gudaha usoo gasho.

Caalim, ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalkaasi ku dhinteen mas'uuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Somalia isagoo xusay inay kamid ahaayeen; Isu duwihii wasaaradda maaliyadda ee degmada Afgooye, Taliyaha qaybta gobolka ee ciidanka Asluubta Somalia, taliye ku-xigeen katirsan ciidanka daraawiishta dalka iyo shan qof oo shacab ah.

Wuxuu tilmaamay in weerarkaasi ahaa mid aan la filan islamarkaana, isagoo tilmaamay in hadda amniga la xoojiyay oo ciidamo badan duleedka degmada iyo gudaha la keenay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay inay ka go'antahay sidii ay mar walba uga hortagi lahaayeen weerarada kooxda Al Shabaab oo sida uu xusay ah dad kasoo horjeeda maslaxadda umadda Somaaliyeed.

Hadalka Guddoomiyaha degmada Afgooye, ayaa yimid xilli ciidamada dowladdu dib ugala wareegeen kooxda Al Shabaab kadib saacado kooban oo ay gacanta ku haysay iyagoo xoog iyo weeraro kusoo galay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM