Maamulka Ahlusunna oo xabsiga dhigay nin sheegtay Madaxweyne

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Ahlusunna ayaa xalay xabsiga dhigay nin ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha gobollada dhexe ee dalka Somalia xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeey Galmudug iyo Ahlusunna.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Dhoodi ayaa shalay deegaanka Ceeldheer oo qiyaastii 30km u jirta magalada Dhuusamareeb ku shaaciyay inuu yahay Madaxweyne.

Ciidamo ka tirsan maamulkaasi ayaa tagay Ceeldheer, waxayna xabsiga dhigeen ninka sheegtay Madaxweynaha oo horay uga tirsan Ahlusunna, balse khilaaf soo kala dhexgalay awgiis uga baxay siyaasadooda.

Gobollada dhexe ee dalka Somalia, waxaa ka jira muran siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug, waxaana uu ku aadan khilaafkaasi cidda maamulaysa goboladda dhexe.

Maamulka Ahlusunna ayaa dhawaan Madaxweyne kaga dhawaaqay Dhuusamareeb ka dib doorashadii Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka dhacday degmada Cadaado. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM