Maamulka Xasan Sheekh oo kireystay shirkad uu sanadkii siinayo $600,000

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtan waxay u bixinaysaa in ay u dhowaato maamulka Donald Trump.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa heshiis la gashay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha dulaalka siyaasadeed, sidda ay warisay majaladda afka dheer The Africa Report.

Sidda laga soo xigtay warbixintan, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkadan oo lagu magacaabo BGR waxay siisey qandaraas socon doona muddo hal sano ah oo bil walba lagu siinayo $50,000.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Daahir Cabdi, ayaa ka shaqeeyay howshan oo sanadkii ay ku baxeyso aduun lacageed dhan $600,000, sidda ku xusan warbixintan.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ku cad qormadda, waxaa uu shirkadan ka doonayaa wanaajinta cilaaqaadka kala dhaxeeya maamulka Donald Trump.

Qandaraaska la siiyey dulaaliintan siyaasadeed ee Ameerikaanka ah ayaa waxaa loo gudbiyay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka taasoo dhigaysa in BGR ay bixin doonto "adeegyada dowladda" ee safaaradda.

Arrimaha kale ee lacagtan loo bixinayo waxaa qeyb ka ah in ay shirkadan ay ka hortagto suurtagalnimada sii xoogeysaneysa ee ku aadan in Donald Trump uu aqoonsi siin karo maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

"Walaaca ugu weyn ee dawladda Soomaaliya ayaa ah in xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanku uu u aqoonsanayo maamulka Somaliland. Tan iyo sannadkii hore, Soomaaliya waxay sidoo kale raadinaysay u-qalmitaanka Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika (AGOA)," ayay warbixinta sheegtay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka waxa uu soo gaarey heer uu si wayn hoos ugu dhacay muddo xileedkii ugu horaysay ee Donald Trump taasoo keentay in xayiraadyo badan ay ku dhacaan xukuumadda Muqdisho.

Muddo xileedkaas waxa uu Soomaaliya ku soo daray “Liiska dalalka Muslimiinta ee mamnuuca ah in loo safro dalal," wuxuuna markii dambe ka saaray inta badan ciidamadii Mareykanka ee dagaalka kula jiray kooxaha argagixisada ah.

"Soomaaliya iyo Maraykanku waa saaxiibo dabiici ah," ayay safaaradda Soomaaliya u sheegtay The Africa Report. “Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argigixisada iyo barnaamijyada kale ee muhiimka ah ee amniga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM