Maandooriye iyo dadkii iibinayey oo lagu qabtey Muqdisho

Image
Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay walxaha maanka-dooriya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay Walxaha maanta dooriya iyo Dadkii iibinayay sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha Amniga & Maamulka Degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Xamarjajab ayaa sheegay in howlgalkaan oo ka dhacay Xaafadaha Degmadaas lagu beegsaday dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa iibsada waxyaabaha maanka-Dooriya ay cadaaladda horgaynayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dagaal adag ku wajahayaan walxaha maanka-dooriya oo qayb ka ah falalka amni darro oo cabasho la xiriirta dhaca Dadka Rayidka dhowr jeer soo gaartay.

"Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya, howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Xamarjajab.

Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay Walxaha maanka-dooriya, waxa ay sheegtay in ay iska dhaafi doonto ka ganacsiga walxahaan oo duruufo dhanka nolosha ah u gashay sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Xamarjajab Mucaawiye Muudey ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay kasii soconayaan xaafadaha Degmadaan si nabadgalyadeeda gacan adag loogu qabto.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka socda howlgallo lagula dagaalamayo Walxaha maanka-dooriya, Duqa Muqdisho ayaa horay u sheegay in Degmooyinka qaar laga hirgeliyay Warshado sameeya Khamri macmal ah, halka Xashiiska, Tubaakada, Taabuu goobo kala duwan lagu iibiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM