Maareeye "Barri waa maalinta calanka Somalia, hala wayneeyo" [Dhagayso]

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Wasaaradda warfaafinta Somalia ayaa ku dhawaaqday in la xoojiyo weynaynta maalintii la taagay calanka Somalia oo ku beegan Barri 12 Octobar taasi oo ay ka soo wareegtay 61 sano.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo lahadlay warbaahita Muqdishu ayaa sheegay in shacabka Somali-yeed laga doonayo inay sameeyaan isu soo baxyo waawayn.

"Dowlada Somali-yeed  dhamaan shacabkeeda waxay ku wargalinaysaa inay nagu soo food leedahay sanad guuradii 61-aad ee calanka Somalia, calanku waa astaanta ugu saraysa ee dal waliba uu leeyahay, hadaba waxaan ku boorinaynaa in la wayneeyo maalintan" Ayuu yiri Maareeye.

12-ka October 1954-tii waxay ahayd markii ugu horaysay ee la taago calan uu leeyahay dalka Somalia, hadda waxaa laga jooga 61 sano, waxaana maalintaasi dalka ka dhacay xusas ballaaran oo lagu muujinayo muhiimadda ay leedahay 12 Octobar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM