​Maareeye oo kusoo baxay Aqalka hoose

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxa'ed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumadda waqtiga uu ka dhammaaday ee DFS, ayaa  ku guulaystay Kursi kamid ah Kuraasta Beelaha Somaliland ka heleen aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Wasiir Maareeye ayaa helay 51 Cod, oo ah dhammaan Codadka Ergada, isagoo si aqlabiyad leh uga adkaaday Musharax lagu magacaabo Maxamed Cumar Kursiga.

Doorashada oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis, ayaa la filayaa in maanta lagu doortay 11 Kursi oo kamid ah 46 Kursig oo Somaliland looga qoondeeyay Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Si kastaba, Maxa'ed Cabdi Xayir, oo lagu tiriyo Saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, kana tirsan Kooxda Damu-Jadiid, ayaa ku guulastay Kursiga 7-aad ee Kuraasta Beelaha Somaliland.

Dhanka kale,  Cadaado waxaa dib uga billaabatay Doorashada Aqalka hoose, waxaana kusoo baxay Cabdishakuur Cali Mire, oo noqday Wasiir ku xigeenkii warfaafinta Xukuumadii RW Cabdiqaadir Faarax Shirdoon Saacid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM