​Maareeye oo kusoo baxay Aqalka hoose

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxa'ed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumadda waqtiga uu ka dhammaaday ee DFS, ayaa  ku guulaystay Kursi kamid ah Kuraasta Beelaha Somaliland ka heleen aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Wasiir Maareeye ayaa helay 51 Cod, oo ah dhammaan Codadka Ergada, isagoo si aqlabiyad leh uga adkaaday Musharax lagu magacaabo Maxamed Cumar Kursiga.

Doorashada oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis, ayaa la filayaa in maanta lagu doortay 11 Kursi oo kamid ah 46 Kursig oo Somaliland looga qoondeeyay Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Si kastaba, Maxa'ed Cabdi Xayir, oo lagu tiriyo Saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, kana tirsan Kooxda Damu-Jadiid, ayaa ku guulastay Kursiga 7-aad ee Kuraasta Beelaha Somaliland.

Dhanka kale,  Cadaado waxaa dib uga billaabatay Doorashada Aqalka hoose, waxaana kusoo baxay Cabdishakuur Cali Mire, oo noqday Wasiir ku xigeenkii warfaafinta Xukuumadii RW Cabdiqaadir Faarax Shirdoon Saacid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM