Macaluul ba'an oo laga soo sheegayo degmada Waajid [Dhageyso]

Image

WAAJID Jan 22,2015 [GO]- Gobolka Bakool ayaa magaalooyin ka tirsan waxaa laga soo sheegayaa macaluul ba'an kadib marki wadooyinkii raashinka loo marin lahaa xireen kooxda ururka Al-shabaab.

Salaad Maxamed Ibrahim oo Idacada Radio Garowe wax  ka waydiisay dad qaxooti ah oo ka yimid Woqoyi Bari ee dalka Kenya waxaa uu sheegay in 4 xero ay uga sameeyeen dadkaas degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

4,200 qoys ayaa Ibraahim sheegay in degmada Waajid duleedkeeda xiligan ku suganyihiin isagoo xusey in dadkaasi ay soo wajahday dhibaatoyin
kala duwan sida nafaqo daro.

Salaad oo dhinaca kale sheegay in dadkaasi meel cuno loo soo mariyo aysan jirin isagoo xusey in kooxda Al- Shabaab go'yeen wadooyinkii cuntadu usoo mari lahayd.

Ururka Al-Shabaab oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ka saareen magaalooyinka ku yaala Koonfurta Somalia ayaa gacanta ku haya dhulka baadiyaha ah kuwaasoo cunaqabateeyey kusoo rogey inta badan degaanadii laga xoreeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM