Madaafiic lagu weeraray xero ay leeyihiin ciidamadda AMISOM

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Ku dhowaad tobban madfac ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaalada Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Fahfaahino horudhac ah oo laga helay dadka degaanka ayaa daaha ka rogaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen xaafadaha Buundweyn iyo Howladaag, halka kuwa kale ay ku habsadeen xeryaha ciidanka AMISOM.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ay hoobiyeyaal kale kaga jawaabeen weerarkaas.

Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas madaafiicda loo adeegsaday oo aysan jirin koox sheegatay.

Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Beledwayne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa kasoo jeeda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Falalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Beledwayne uu ku sugan yahay madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, kaasoo dhowaan taageeray baaq kasoo baxay Aqalka Sarre oo la xiriira doorashooyinka 2020-21.

Tan iyo markii go'aankaas uu qaatay Waare, dowladda federaalka ah ayaa faragelin ku haysay gudaha maamulka, maadaama ay kasoo horjeedo go'aanka Senate-ka oo ku baaqay in ay shiraan dowlada iyo maamulada.

Xilli ay jirto halista Coronavirus, xukuumadda federaalka ayaa ka bilowday magaalooyin ay Beledwayne kamid tahay abaabulka banaanbaxyo, arrintaas oo madaxweyne Maxamed Waare uu amar ku bixiyey in la baajiyo.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo ku fashilmay dhaqan-gelinta balankooda la dagaalanka Al-Shabaab, xasilooni siyaasadeed, wadashaqeynta maamulada iyo qabyo tirka dastuurka ayaa waxaa lagu dhaliilay awood sheegasho ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM