Madasha Badbaado Qaran oo shir ku dhawaaqday

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Badbaado Qaran ayaa Talaadada maanta ah waxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kaga dhawaaqeen shir barbar socda kulanka u furmay Villa Soomaaliya iyo xulafadeedda.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Golahan ay ku mideysan Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi, aya xusay in wadaxaajoodyada ay sii socon doonan maalmaha soo aadan.

Shaacintan ayaa timid markii xubnaha golaha ay kulan gaar ah ku yeesheen Airport Hotel oo ku dhexyaala xeyndaabka xeradda aadka loo adkeeyo ammaankeeda ee Xalane ayna degan yihiin diblumaasiyiinta reer Galbeedka.

Sidda uu xusay Cabdi Xaashi, shirkan wuxuu ahaa kii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran taasoo todobaadkii horey ay iclaamiyeen xubnaha siyaasad ahaan ka aragtida maamulka waqtiga ka idlaadey ee Farmaajo.

"Madashan waxaa loo aas-aasay sidii dalkan loo badbaadin lahaa iyo sidii looga saari lahaa xaaladan murugsan ee haatan aan ku jirno ee mudada dheer aynu u taagan nahay," ayuu Senator Cabdi Xaashi ku daray hadalkiisa.

Xilli uu walaac ka muujiyey xaalada amni ee dalka, Mr Xaashi oo maamulka Farmaajo ay isku hayaan maareynta xulista wakiilada Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in si degdeg ah xal loo helo.

"Madahsa shirkeeda waa bilowday waana sii soconayaa illaa laga helayo wax Soomaali ay heshiis ku tahay. Madashani waxay u dhalatay Soomaali wax kalana ma ahan waa badbaadin dalka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM