Madasha Badbaado Qaran oo si adag ugu digtay Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasho Badbaado Qaran oo war qoraal ah soo saartay ayaa si adag u cambaareysay isku dayga muddo kordhinta madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe, madashu waxay kasoo horjeedaa talaabada fadhiga Aqalka Hoose looga mamnuucay 15-ka Xildhibaan.

"Waxay Madashu masuuliyada dhibka soo gaara 15 ka xildhibaan ee loo hanjabay dusha ka saaraysa guddoomiyaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Golaha Shacabka uu berri u balansan yahay shir kaasoo ajandaha la shaaciyey uu yahay Covid-19, u coddeynta laba xubnood oo guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo u coddeynta sharciga qaxootiga Qaranka.

Balse, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay sheegayaan in uu jiro ajande qarsoodi ah kaasoo ah in muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo xeer-dejinta waqtiga ka dhacay.

Dhanka kale, madasha ayaa caddeysay in ay kasoo horjeedo ciidamadda ka tirsan hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee lagu daabulay xarunta Golaha Shacabka ee caasimada Muqdisho.

"Talaabadani waxay tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooinka dalka," ayaa lagu yiri qoraalkan luuqadda adag lagu daabacay.

Ugu dambeyntii, Madasha Badbaado Qaran ayaa dalbadey in mas'uuliyadda ammaanka waddanka laga wareejiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu idlaadey Maxamed Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM