Madasha Xisbiyadda oo "sharci darro" ku tilmaamtay bandowga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada dalka ayaa "sharci darro" ku tilmaamtay bandowga habeenkii ee la geliyey magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ayay ku sheegeen sababtu ay tahay "maadaama uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Bandowga ayaa loosoo rogay ka hortagga faafitaanka cudurka safmarka ah ee Corona, oo kiisaskiisa laga helay gudaha waddanka ay gaareen 436, sidda ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas oo Axada maanta ah wariyeyaasha kula hadashay caasimadda, ayaa xaqiijisay in tirada dhimashada ay gaartay 23 markii ay geeriyoodeen shan kale.

Dhanka kale, madasha ayaa taageertay banaanbaxyaddii shalay ka dhacay caasimadda kaasoo looga soo horjeeday dil uu askari ka tirsan booliska u geystay laba qof oo shacab ahaa.

Askariga dhacdadaas geystay ayay cod dheer kusoo jeediyeen in maxkamad lasoo taago isla markaana la marsiiyo waxa uu sharciga ka qabo falka uu ku kacay oo "mid bareer ahaa" lagu qeexay.

"Madashu waxay ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka ah in ay dhowrto mabaadi'da caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka ku meelgaarka ah ee JFS," ayay raaciyeen.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM