Madasha Xisbiyadda Qaran oo lagu eedeeyay in ay "ku milantay" DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa u muuqata mid maalmihii u dambeeyay ku dhex-milantay dowlada waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, sidda uu ku eedeeyay Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe].

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya oo u waramay telefishinka Somali Cable ayaa dhaleeceyntiisa waxay imaaneysaa markii Madasha uu ka tirsan yahay ay soo dhaweysay natiijadii wejiga saddexaad ee Dhuusamareeb.

Sanbaloolshe oo soo noqdey safiir Soomaaliya u qaabilsanaa Turkiga ayaa tibaaxay in uu kasoo horjeedo max-suulka kulankaas ay qaadaceen dowladaha ka tirsan federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland.

Labada qodob ee uu ku dhaliilsan yahay go'aanadii shirka Dhuusamareeb 3 ayuu qeexay in aan loo dhameyn iyo in ay yihiin kuwa aan la fulin karin. Farmaajo ayuu ku dhaliilay in danahiisa uu kulankaas kasoo saarey.

"Marka waxaa muuqata in loogu talogalay in jahwareerka lagu sii xoojiyo si marmarsiyo loogu helo muddo kororsiga," ayuu rumeysan yahay.

Isagoo cuskanaya ammaanka iyo khatarta Al-Shabaab, nooca doorasho ee heshiiskaas ku cad oo ah mid ku saleysan degaan ayuu ka dhawaajiyey in aysan dalka ka dhici karin marka laga reebo Puntland.

Iyaddoo aan la ogeyn waxa gedaal iska bedelay, Sanbaloolshe ayaa lagu ogaa in uu ka tirsan yahay xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka oo uu hogaamiyo madaxweynihi 8aad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu xubin ka yahay Madasha Xisbiyada Qaran oo gebi ahaanba soo dhaweysay heshiiskaas qabyadda ah soona jeedisay in la dhameystiro qodobo aysan carabaabin oo ay xustay waxa ay kala yihiin.

Sanbaloolshe oo difaacay mowqifkiisa shaqsiga ah ayaa ku adkeystay in ay jiraan xubno kale oo xisbiga kaal tirsan oo isaga ku feker ah.

"Waan ka xumahay in aan sidaan dhaho, maalmahaan Madasha iyo Nabad iyo Nolol waxaa muuqata in meelaha qaarkood ay isku milmeen, aniga fekerkeyga waa shaqsi, dad badan oo xisbiga aan ka tirsanahay waa ila qabaa," ayuu yiri markii wax laga waydiiyey is-burinta naqdintiisa shirkaas iyo soo dhaweynta xisbigiisa.

Madasha Xisbiyada Qaran waxaa hogaamiyeyaal ka ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo bilooyinkii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula kulmay hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankii u dambeeyay wuxuu dhexmaray Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha haatan ee NISA ahna gacanta midig ee Farmaajo, iyo Xasan Sheekh. Is-araggaas wuxuu yimid iyaddoo laga dhowrayo magacaabida ra'iisul wasaaraha.

Kala qeybsanaanta ka dhex-qaraxdey qaar kamid ah xisbiyadda mucaaraadka Soomaaliya dhexdooda ayaa imaaneysa iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in qaarkood quudareynayaan xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM