Madasha Xisbiyadda Qaran oo taageertay go'aanadii shirka Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka falcelisey go'aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay madasha isla markaana nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay.

Bayaanka ayay sheegeen in ay soo dhaweynayaan, si gaar ah qodobka ku saabsan ilaalinta dastuurka dalka iyo xoojinta midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay taageero weyn u muujiyeen qodobka kale ee ku saabsan in doorashooyinka dalka ee sanadka dambe ay waqtigooda ku dhacaan, iyaddoo aysan jirin waqti ku darsi.

Si lamid ah, waxay bogaadiyeen gogashii uu shirweynuhu ku baaqay in ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga arrin-sado xaaladaha cakiran ee taagan.

Dhanka kale, hogaanka Villa Soomaaliya ayay ku booriyeen in ay dhageystaan dedaalada xalka loogu raadinayo "siyaasadda cakiran" iyo baaqyadda ka imaanaya maamul goboleedyadda.

"Ugu dambeyntii, madashu waxay u rajeyneysaa hoggaanka Puntland iyo bulshadeeda barwaaqo iyo baraare," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18-ka bishaan Maaj, sanadka 2020.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM