Madax cusub oo loo magacaabey ciidamada AMISOM

Image

7 October, 2015 (VOA)- Guddoomiyaha Gudidga Midwoga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique u magacowday inuu noqdo wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxa uu beddeli doonaa Ambassador Maman Sambo Sidikou oo kasoo jeeda waddanka Niger.

Tan iyo sanaddii 2010, Ambassador Madeira waxa uu ahaa wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Africa ee isku xirka ka hortagga argagixisonimada iyo agaasimaha xarunta fadhigeedu yahay magaalada Algiers ee Xarunta Afrika ee Daraasaadka iyo Cilmi-Baarista Argagixisada (ACSRT).

Magacaabista madaxa cusub ee AMISOM ayaa imaneysa xilli ururka Midowga Afrika, sida uu sheegay, uu isku dayayo inuu dedejiyo isku dayada ay lagu xasilinayo Somalia.

Sababo la xiriira khibradda uu u lee yahay la dagaalanka argagixisada darteed, ayaa midowga Africa waxa uu rajeynayaa in Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira uu dhiiri gelin siiyo ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM