Madax ka qeybgashay salaada janaasada Xasan Abshir Faarax

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madax kala duwan ayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxay kaga qeybgashay salaada janaasada marxuum Xasan Abshir Faarax, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, guddoonka labada aqal, hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran, ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo mas'uuliyiin kale ayaa kasoo muuqatay.

Ka qeybgalayaasha salaada janaasada ayaa u duceeyay marxuumka, iyagoo u rajeeyay naxariista EBBE, in uu ka waraabiyo janatul firdowsa iyo in uu u fududeeyo su'aash qabriga una waasiciyo.

Sidoo kale, waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh ay u direen qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabtiisa, iyagoo u rajeeyay bedel aad u wanaagsan.

Marxuumka oo meydkiisa laga keenay dalka Turkiga halkaasoo uu ku geeriyooday kadib xanuun muddo laga daaweynaayey ayaa la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo caasimadda Puntland.

Dowladda Puntland oo guddi gaar ah u saartay duugta marxuumka ayaa calanka hoos u dhigtay saddex maalmood si loogu baroor-diiqo marxuumka.

Xasan Abshir Faarax oo ku dhintay da'da 75-sano jir ayaa soo noqdey duqa Muqdisho, waqtigii dowladii kacaanka, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, xildhibaan baarlamaan iyora'iisul wasaaraha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM