Madaxda DF oo ka jawaabin dalabka maamulada oo tegaya Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramay in uu gelinka dambe ee Talaadada maanta ah uu u socdaali doono caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu safarkiisa daaran yahay casuumaadii uu ka helay madaxda dowlad goboleedyadda ku shiray magaladaas.

Lama ogga hadii madaxweyne Farmaajo uu maanta wehli doono Khayre, balse illo wareed ayaa xaqiijinaya in maalinta Khamiista ah ee isla todobaadkan uu dhankiisa u dhoofi doono Dhuusamareeb.

Madaxweyneyaasha maamulada oo xarunta gobolka Galgaduud ku kulmay 11-12 bishaan Julaayo ayaa isku raacay in doorashooyinka soo aadan ee 2020-21 aysan noqon mid ku dhacda qaab qof iyo cod ah.

Si looga baaqsado in ay dhacdo muddo kordhin, waxay soo jeediyeen in heshiis mideysan laga gaaro hanaanka loo marayo, nooca doorasho ee qabsoomi karta iyo in ay mudada hartay ku dhacdo.

Qodobada kale ee shirkooda kasoo baxay waxaa kamid ahaa; in a casuumeen madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre si is-afgarad looga gaaro qaabka farsamo iyo nooca doorashada.

Balse ma aysan muddeynin shirkaas wadatashiga ah oo la filayo in marka ay Farmaajo iyo Khayre ka degaan magaalada Dhuusamareeb laga heshiin doono, sidda ay tibaaxayaan warbixino horudhac ah.

Madaxtooyadda iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaanan si furan uga jawaabin dalabkaas. Balse, waxay wararku sheegayaan in ay aqbaleen ayna ka qeybgalayaan wadahadalkaas.

Aqbalaada martiqaadka maamuladda ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay ahaayeen baaqyadda dhinacyada siyaasadda u jeedinayeen madaxda sare ee wadanka si dalka uu uga gudbo mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM