Madaxda DF oo ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid noqdey sagaal qof oo ku naf-waayey weerarkii Hotel Afrik ee Muqdisho.

Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya iyo taliye ciidan ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaas ay qaadeen dabley ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal ku daabacay boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa muujiyey in uu muruga la wadaagayo qoyska marxuumka, isaga oo ku qeexay "mid kamid ah rug-cadayaasha ciidanka".

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimo, waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-caddaaga Ciidanka Soomaaliyeed," ayuu Farmaajo soo qoray.

Dhanka kale, ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa wuxuu qoraal uu ku daabacay Facebook uu ku ammaanay wax-qabadka Jananka.

"Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay," ayuu yiri.

Wuxuuu ku daray: "Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD".

"Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo," ayuu hoosta ka xariiqay Rooble oo ay isku heeb yihiin Jananka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa kusoo xiray hadalka: "Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka".

Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuna dhow isgoyska KM4 ee bartamaha caasimadda Muqdisho waxaa inta badan fariista siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda waqtiga kasii dhamaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM