Madaxda DF oo si kulul u cambaareeyey weerarkii Mandheera

Image

December 2, 2014 (GO)- Labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii 36da qof lagu diley ee gelinkii hore ee maanta oo Talaado ah ka dhacay goob dhagaxa iyo jayga dhismaha loo adeegsado laga soo saaro oo ku taal duleedka magaalada Mandheera.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal argagixiso oo liddi ku ah mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo welibi bini aadamnimada.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ka xun yihiin falkaas murugadana la wadaagayaan walaalahooda Kenya.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu cambaareeyey weerarkii saaka ka dhacay Mandheera isalamarkaana tacsi loogu diray ehelada dadkii weerarkaas lagu diley.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go'an tahay sidii ay Kenya gacan uga siin lahayd la dagaalanka argagixisada gaar ahaan kooxda Al-shabaab oo halis ku ah ammaanka labada dal.

Weerarka Mandheera ka dhacay oo ahaa kii labaad ee muddo toban maalmood gudahood ah Al-shabaab ka geysato gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa lagu diley 36qof oo ka shaqeynayey goob dhagaxa laga jebiyo taasoo 15km Mandheera u jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM