Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadda oo shiraya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamuladda ayaa maalinta berri oo Isniin ah yeelan doona kulan ku qabsoomaya aalada fogaan aragga ah ee Zoom-ka, sidda uu ogaaday Garowe Online.

Shir-madaxeedkan ayaa quseeya siddii ay hogaamiyeyaasha uga heshiin lahaayeen goorta iyo goobta uu ka dhacayo kulan fool ka fool ah oo ay uga wada hadlaan arrimo masiiri ah oo doorashooyinka 2020-21 kamid tahay.

Coddeynta 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ah, balse qaar kamid ah dowlad goboleedyadda iyo siyaasiyiinta waxay shaki geliyeen in ay dhici karto, iyaddoo cuskaday in aan la fulin halbeegyadii.

Xaqiijinta nabad-gelyadda, la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka xoreynta meelaha ay maamulaan, diyaarinta miisaaniyadda, shuruucda iyo qabyo-tirka dastuurka KMG ah ayaa lagu sheegay qodobada aan waxba laga qaban.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ku dhawaaqdey in madaxda dowladda federaalka ah ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah ayaa ugu baaqay in ay miiska wadahadalada la fariistaan dowlad goboleedyada.

Bishaan June 14-keeda, madaxweyne Farmaajo ayaa maamulada ku casuumay Shirka Amniga Qaran, kaasoo Villa Soomaaliya ajandihiisa ku sheegtay; ka hadalka amniga, baacsiga argagixisadda iyo doorashooyinka.

Shirkaan ayaanan qabsoomin sanadihii lasoo dhaafay sabab la xiriirta wadashaqeyn la'aanta dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamuladda.

Kahor marti-qaadka madaxweynaha, Aqalka Sarre oo ku adkeystay in uu gudan doono waajibaadkiisa dastuuriga ah ee xalinta khilaafka dowladda iyo maamulada ayaa ku baaqay in la shiro kahor 25-ka bishaan June, 2020.

Beesha Caalamka oo cadaadisay madaxda dowladda federaalka ayaa ku tartarsiisay in ay la shiraan saamileyda isla markaana ay muhiim tahay in habka lagu galayo doorashooyinka soo aadan uu noqdo mid loo dhan yahay.

Inkasta oo dhowr jeer uu meesha ka saarey arrintaas, Dowladda Farmaajo ee mudada xileedka uu dhamaadka ka yahay ayay xisbiyadda iyo maamulada uga digeen muddo kororsi "sharci darro ah oo horseeda xasilooni darro".

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka hubanti la'aanta ay xoogeysto marka la gaaro muddo xileedka xukuumad walba, waxaana isa soo taraya dalabyadda ku aadan in laga wada hadlo qaabka looga gudbayo iyo talaabada xigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM