Madaxda Dowlad Goboleedyada oo la kulmaya Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha dowlada goboleedyada dalka, ayaa maanta lagu wadaa inay la kulmaan Xubnaha Aqalka Sare, kahor inta aysan kasoo ambabaxin Muqdisho, oo 9-kii maalmood ee lasoo dhaafay Shir uga qeyb-galayeen.

Kulanka Aqalka Sare iyo Madaxweyniyaasha maamullada Federaalka, ayaa iska wareysan doona xaaladda dalka uu marayo, caqabadaha taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shanta Madaxweyne ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa kulanka ka qeybgalaya, waxayna uga warbixin doonaan Aqalka sare waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii kusoo dhamaaday shalay Muqdisho.

Aqalka Sare oo matala maamullada laga soo doortey, oo ay ilaaliyaan danaha shacabka iyo deegaanadooda, iyagoo dowladda dgexe kala xisaabtama xuquuqaha dadka soo doortey.

Waa markii ugu horeysay oo Aqalka Sare la kulmo Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka, iyadoo tani ay xoojinayso xiriirka labada dhinaca, oo hadda wadashaqeyn wanaagsan ka dhaxayso.

Wararka hoose ee Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada, oo ay wehliyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre kulan la qaateen shalay Wakiiladda Beesha caalamka u fadhiya Muqdisho.

Ujeedka Kulankan ayaa ahaa inay ku wargeliyeen saaxiibada Soomaaliye ee Beesha caalamka inay heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay, kadib shirkii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, oo shalay lasoo gaba-gabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM