Madaxda DF Soomaaliya oo dano siyaasadeed "u aas-aasay" jabhad

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ayaa wuxuu ku eedeeyay xafiiska madaxweyne Farmaajo iyo taliska sirdoonka Soomaaliya in ay gobolkaas ka yagleeleen jabhad fulineysa "danno siyaasadeed".

War-saxaafadeed ayay daaha uga rogeen in jabhadaas ay ka kooban tahay ciidamadii qaranka ee "laga leexiyey waajibaadkooda" kuwaasoo laga daabulay caasimada Muqdisho "meeshana ka saarey horumarinta".

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah, faragelintaas awadeed waa magaaladda Beledxaawo uga barakacay in ka badan 50-kun oo qoysas ah.

Bayaanka oo lagu cambaareeyay howlaha uu boobka ku jiro ee horjoogeyaasha iyo saraakiisha jabhadda wadaan ayaa ka digay cawaaqib xun oo ka dhalan karta iyo in ay ka faa'iideystaan xoogaga argagixisada ee Al-Shabaab.

Madaxda dowladda federaalka, maamulada iyo Beesha Caalamka si gaar ah xafiiska ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayay ku booriyeen in ay la tacaalaan xaaladdan taagan.

"Waxaan ugu baaqeynaa hay'addaha garsoorka heer dowlad goboleed iyo heer federaal iyagoo ilaalinaya sareynta sharciga in ay soo saaraan go'aanadii lagu soo qaban lahaa shaqsiyaadka xilalka been abuurka ah ku dhibaateynaya shacabka gobolka Gedo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka.

Dowladda uu waqtiga kasii dhamaanayo ee uu majaraha u hayo madaxweyne Farmaajo ayaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe u kala qeybisay shacabka Gedo si ay damaceeda u hirgaliso.

Bayaanka oo dhameystiran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM