Madaxda maamulada oo "gaarey" is-afgarad horudhac ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-afgarad horudhac ah ayaa lagu waramay in ay gaareen hogaamiyeyaasha maamulada Soomaaliya ee Sabtidii ku shiray xerada Xalane, sidda ay Illo loo qaateen ah u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Sidda ay sheegayaan wararka, dhinacyadda ayaa isla qaatay in ay kawada qebgalaan shirka Afasiyooni iyaddoo uu qeyb ka yahay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Shuruudo ay madaxda Puntland iyo Jubaland kaga qeybgalayaan kulanka ayaa, sidda ay fahfaahinadda muujinayaan, waxay tahay in kulankaas looga tahasnayo ajandaha wadahadaladda loo-dhan-yahay ee doorashadda.

Lama ogga hadii is-afgaradka uu qeyb ka yahay in musharaxiinta mucaaradka ay kasoo muuqan doonan wadahadaladda loo-dhan-yahay ama in ay meteli doonan madaxda Puntland iyo Jubaland oo ay gole kuwada jiraan.

Madaxayneyaasha HirShabelle iyo Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe, ayaa habeenimadii Sabtida la fariistay musharaxiinta mucaaradka ah, waxaana la wariyey in wadaxaajoodkooda "uu miradhalay".

Tani ayaa u muuqata in madaxda saddexda maamul ee taabacsan Villa Soomaaliya ay kahor inta aysan gelin shirarkaan ay qodobo soo ogoleysiiyeen Farmaajo kaasoo diidanaa arrimo ay ku jirto ka hadalka ajandaha.

"Madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda ayaa la filayaa in Axada asbuucaan ay isla meeldhigaan ajande ay ku mideysan yihiin kahor madasha Afasiyooni ee xalka loogu goobayo is-maan-dhaafka doorashooyinka Soomaaliyeed," ayay sheegeen illo wareedyada u waramay mareega Garowe Online.

Is-fahamka horudhac ah oo la sheegayo in ay gaareen madaxda maamulada Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in uu ibafur u noqon karo in uu guuleysto shirka Afasiyooni oo ay agaasinkiisu leeyihiin wakiilada Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM