Hogaamiyeyaasha maamulada oo shir gaar ah yeeshay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu wadahadalo gaar ah uga bilowday magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb kadib fashilka ku yimid shirkii ay la yeesheen madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhacay.

Illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in hogaamiyeyaasha ay diiradda saarayaan xaaladda siyaasadeed ee waddanka wajahayo iyo talaabada haboon maadaama hogaanka federaalka waqtiga ka dhamaadey.

"Madaxda waxay shalay bilaabeen in ay iska arkaan mar-xalada kala guurka waxaana kulamadooda ay soo gaareen illaa xalay," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda wadahadaladda oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in laga yaabo in hogaamiyeyaasha ay war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda. Bayaankaas waxaa la rajeynayaa in ay kasoo muuqdaan qodobo ku saabsan shirka fashilmay iyo sababta keentay.

Wadaxaajoodyadda guuldareystay oo Jubaland iyo dowladda federaalka ay isku eedeeyeen waxaa xudun u ah qadiyada gobolka Gedo oo madaxweyne Farmaajo tanaasul ka sameyn waayey gaar ahaan maamulka doorashooyinka.

Dhanka kale, madaxda maamuladda ayaa la filayaa in ay baaqi kusii ahaadaan Dhuusamareeb labada maalin ee soo aadan, iyaga oo kawada qeybgeli doona munaasabada sanad guurada koowaad ee doorashada madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] taas oo qaban-qaabadeedu socoto.

Qoorqoor ayaa waxaa u buuxsantay muddo hal sano ah tan iyo markii la doortey, wallow guushiisa ay ku timid faragelin ay Madaxtooyda Soomaaliya ku sameysay geedi-u-socodka coddeynta, waxaana ay talaabadaas u qaadey sidii ay u soo saari lahayd musharax taabacsan taas oo muuqaneysa in ay ku guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM