Madaxda maamulada Somalia oo ku wajahan magaalada Garowe

Image

GAROWE April 25,2015 ( GO)- Waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe la filayaa in 29 April,2015 isugu yimaadaan madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland ee Somalia iyo dowlada Federaalka ah.

Kulankaan ayaa noqonaya kii Labaad oo ay ku kulmaan madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka kadib markii horey ugu kulmeen magaalada Muqdishu Feb 2015.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaan la xaqiijin inuu kasoo qayb galayo kulankaan halka warar kale sheegayaan in Ra'isal wasaare Sharmaake imaan doono magaalada Garowe.

Shirkaan ayaa wararku sheegayaan inuu socon doono muddo labo cisho ah iyada oo aan weli la ogeyn qodobada looga wada hadli karo.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya waqti dowlada Federaalka madaxdeeda aaminsan yihiin in maamulada gobolada dhexe ka dhismi doonaan gobolada Galgaduud iyo Mudug halka Puntland ka biyo diidan tahay.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa la filayaa in maalinta berri imaan doona magaalada Garowe kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ugu maqanaa wadanka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM