Madaxda maamuladda Soomaaliya oo shir fool-ka-fool ah yeelanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda maamuladda dalka ayaa xalay kulan dhinaca khadka ah wada qaatey kadib markii uu baaqdey shirkii loo balansanaa in maalintii shalay aheyd 5/06/2020 uu ka qabsoomo Muqdisho.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, madaxda ayaa go’aansadey in ay shir gaar u ah iyaga isugu yimaadaan 8-da bishaan July, 2020 magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro "cadaadisyo ka imaanaya Beesha Caalamka oo raadineysa in xal laga gaaro ismari-waaga taagan".

Beesha Caalamka ayaa waji-gabax kala kulantey baaqashada kulanka Muqdisho kadib markii ay xakameyn waayeen in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan inuusan qaadin talaabooyin carqalad galin kara kulankii loo balansanaa in uu magaala madaxda waddanka ka qabsoomo 5/06/2020.

Shirkaas fool ka foolka ah oo noqon lahaa kii ugu horeeyay oo hogaamiyeyaasha yeeshaan kadib sanado aysan wadahadlin ayaa looga heshiin lahaa xeerarka doorashooyinka iyo guud ahaan khilaafka siyaasadeed.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo baaqashada shirkaas war kooban kasoo saartay ayaa sheegtay in ay dib ka muddeyn doonto is-araga xiga.

"Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon," ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warbaahinta Villa Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu raaciyey: "Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya".

Arrimaha keenay baaqashada kulanka madaxda maamulada iyo dowladda federaalka waxaa kamid ah in la meelmariyey xeerar doorasho oo dhinacyadda horey ugu heshiiyeen in la hakiyo in ay la heshiinayaan.

Madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in ay goobyaaan muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka soo aadan, arrintaas oo ay ka biyo diideen maamulada iyo xisbiyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM