Madaxda saddex maamul goboleed oo ku kulmeysa magaalada Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya  - Madaxda maamulada Koonfur Galbeed , Hirshabeele iyo Galmudug ee laga sugayo magaalada Muqdisho ayaa, warar warsidaha Garowe Online ka heley Ilo xogogaal ah, sheegayaan iney ku wajahan yihiin maanta magaalada Baydhabo.

Lama sheegin sababta ay u tagyaan halkaas balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney kulan ku qaadanayaan wadatashi ah inta aysan imaan caasimada Muqdisho.

Kulan kaan iyo cagajiidka ay ka muujinayaan Madaxweynayaasha sadexdaan maamul iney ku biiraan wadahadalka Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda khilaafka uu abuurey natiijadii ka soo baxdey Dhusamreb3.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan aaminsan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland diideen gogoshii loo fidiyey.

Dhanka kale, waxaa jira aragti madaxda labada maamul “Jubaland iyo Puntland” ka qabaan heshiiskii ka soo baxay Dhusamareb 3 taas oo ah in dib loogu noqdo ka hadalkiisa Gabi ahaan islamarkanaa la soo saaro communique loo wada dhan yahay.

Madaxweynaha xilka ka sii dhamaanayo Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa, sida la rumeysan yahay dabada ka riixaya khilaafkaan, isagoo aaminsan in danaha siyaasadeed ee uu ka leeyahay doorashada la filayo iney ka dhacdo Soomaaliya kala soo dhex baxo.

Farmaajo ayaa waqtigiisa rasmiga ah wuxuu dhamaanayaa bisha Febraayo ee sanadka dambe 2020, isagoo si ku talogal ah dib ugu dhigay magacaabida ra'iisul wasaaraha. Dhamaan arrimahaan waxay qeyb ka yihiin qorshihiisa uu ku doonayao muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM