Madaxda saddex maamul goboleed oo ku kulmeysa magaalada Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya  - Madaxda maamulada Koonfur Galbeed , Hirshabeele iyo Galmudug ee laga sugayo magaalada Muqdisho ayaa, warar warsidaha Garowe Online ka heley Ilo xogogaal ah, sheegayaan iney ku wajahan yihiin maanta magaalada Baydhabo.

Lama sheegin sababta ay u tagyaan halkaas balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney kulan ku qaadanayaan wadatashi ah inta aysan imaan caasimada Muqdisho.

Kulan kaan iyo cagajiidka ay ka muujinayaan Madaxweynayaasha sadexdaan maamul iney ku biiraan wadahadalka Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda khilaafka uu abuurey natiijadii ka soo baxdey Dhusamreb3.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan aaminsan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland diideen gogoshii loo fidiyey.

Dhanka kale, waxaa jira aragti madaxda labada maamul “Jubaland iyo Puntland” ka qabaan heshiiskii ka soo baxay Dhusamareb 3 taas oo ah in dib loogu noqdo ka hadalkiisa Gabi ahaan islamarkanaa la soo saaro communique loo wada dhan yahay.

Madaxweynaha xilka ka sii dhamaanayo Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa, sida la rumeysan yahay dabada ka riixaya khilaafkaan, isagoo aaminsan in danaha siyaasadeed ee uu ka leeyahay doorashada la filayo iney ka dhacdo Soomaaliya kala soo dhex baxo.

Farmaajo ayaa waqtigiisa rasmiga ah wuxuu dhamaanayaa bisha Febraayo ee sanadka dambe 2020, isagoo si ku talogal ah dib ugu dhigay magacaabida ra'iisul wasaaraha. Dhamaan arrimahaan waxay qeyb ka yihiin qorshihiisa uu ku doonayao muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM